Maxaa kasoo kordhay shirka u socdo Golaha Wadatashiga Qaran?

0

MUQDISHO (SMN) -Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo galay maalintii afaraad, isla-markaana looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka iyo dooda hareysay arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ah madax goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho, kuwaas oo weli isku fahmi la’yahay qodoba qaar ee miiska saaran, taas oo keentay inuu shirka sii dheeraado

Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah shirkan ayaa war soo saartay, waxayna beenisay inay diidan tahay ka hadalka arrinta amniga oo ah qodob taagan oo ay ka doodayaan Golaha.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo qoraal soo saaray ayaa caddeeyey inay been abuur yihiin wararka sheegaya inuu Lafta Gareen ka horyimid qodobka la xiriira amniga.

“Waxaan halkan ka cadeeyanayaa inay been abuur tahay wararka sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu diidan yahay in laga hadlo qodobka amniga,” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la doonayo in wararkaasi lagu marin habaabiyo bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa been abuur cad laguna doonayo in lagu marin habaabiyo Bulshada Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here