Maxaa kasoo kordhay wada-hadallada ka socda xarunta Villa Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu qaabilay wasiirka amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo taliyaha KMG ah ee NISA, Bashiir Goobe oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay sidoo kale goobjoog ahaayeen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo garwadeen ka ah wada-hadallada socda, waxaana diiradda lagu soo saaray, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya.

Sidoo kale xog ay heshay Shabelle ayaa sheegeysa in labada dhinac ay muujiyeen tanaasul badan iyo isku soo dhawaasho la xiriira arrimaha la’isku hayo.

Khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo muddo taagan ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda dalka, gaar ahaan geeddi socodka doorashooyinka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here