Maxaa keenay in la xiro Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka?

0

WASHINGTON (SMN) – Magaalada Washington DC ee xarunta Mareykanka waxa shalay lagu xirey xubno xildhibaanno ah oo gaaraya 16, kuwaas oo ka mid ahaa dad ku muddaaharaadayay iridka hore ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa toddobaadyo ka hor dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.

Dadka la xirey ee arrintaasi go’aanka Maxkamadda dhaleeceynayay waxa ka mid ahaa Ilhaan Cumar oo laga soo doorto degmada shanaad ee gobolka Minnesota, kuwaas oo lagu eedeyay inay jareen waddada oo ay gaadiidka iyo dadku isticmaalayeen.

Aqoonyahan Maxamed Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada ayaa VOA u  sheegay in Xildhibaanada ay kamid tahay Ilhaan ee la xiray ay ka hor-yimaadeen digniinaha Booliska, kadib markii ay xireen isu-socodka baabuurta ee waddo muhiim ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ilhaan iyo Xildhibaanada kale ee mudaharaadka dhigayay ay kasoo horjeedaan go’aanka maxkamadda ee ay dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here