Maxaa keenay in M/Goboleedyada ay xiriirka u jaraan Wasaaradda Maaliyadda DF

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyey go’aankii ka soo baxay Wasaaradaha Maaliyadda maamul goboleedyada ee xiriirka loogu jaray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Shire ayaa ku eedeeyey wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud inuu baal-maray heshiisyadii u dhexeeyey labada dhinac, isla-markaana ay taas keentay inay hakiyaan wada shaqeyntii tooska aheyd ee kala dhexeysay Wasaaraddaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wasiirka cusub uu ka gaabiyey xiriirkii iyo wada shaqeyntii labada dhinac, sidaas darteedna ay joojiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in go’aankooda uu sii jiri illaa iyo inta ay Wasaaradda Maaliyadda kala imaaneyso hannaan lagu wada shaqeyn karo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu jiro mad-madow soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here