Guddiga doorashada oo ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha keenay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka.

Maxamed Xasan Cirro oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhaca doorashada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay rajo weyn ka qabaan in doorashada golaha shacabku ay ku dhacdo 50-kii maalmood ee loo qabtay, ayna filayaan in toddobaadkan la xareeyo ergooyinkii soo xuli lahaa xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo aan weli la dhammeystirin doorashada golaha aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana kuraas ay ku harsan tahay Jubbaland & Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here