Maxaa sababay Hilib la’aanta maanta ka jirta magaalada Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka jirta Hilib la’aan baahsan, waxaana haawanaya Kawaanada waa weyn ee lagu iibiyo Hilibka Geela.

Shabelle oo booqatay goobaha lagu iibiyo Hilibka ayaa la kulantay qaar ka mid ah ganacsatada, waxayna sababta ku sheegeen inuu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay iyaga iyo sidoo kale Dalaaleyda Geela ka keena gobollada kale ee dalka.

Ganacsatada ayaa shaaca ka qaaday in Neefkii Geella lagu kordhiyey lacago dheeraad ah, taasina ay keentay inay xiraan goobahadooda.

Hilib la’aanta ayaa saaka si weyn looga dareemay caasimadda, maadaama si maalinla ah looga isticmaalo Hilibka Geela.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here