Maxaa sababay in Kenya ay buriso heshiiskii kala dhexeeyay Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) -15-kii July ee sanadkan, Soomaaliya iyo Kenya waxay kala saxiixdeen heshiis labo geesood oo ka kooban dhowr qodoob kadib war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac oo lagu sheegay in Soomaalida, gaar ahaan shaqsiyaadka sita baasaboorada shaqo iyo mid diblomaasiyadeed lagu siiyo dalka ku galka Kenya muddo 48 saac gudahood.

Sida uu dhigayo heshiiska ganacsiga iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee labada dal, Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo dib u soo celinta qaadka laga keeno Kenya, halka Soomaaliya ay kaluun u dhoofineyso Kenya.

Isla war murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sameeyo guddi ka socda wasaaraddaha arrimaha dibadda ee labada dal si loo xaqiijiyo dhaqan gelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa.

Balse sida muuqata Soomaaliya oo kaliya ayaa fulisay heshiiskaas iyadoo diyaaradihii qaadka Kenya ay ka soo degeen Soomaaliya horaantii 24-kii July 2022-ka.

Mar uu la hadlayay Wargeyska Standard, Xoghayihii hore ee Wasaaradda Beeraha Kenya Peter Munya, ayaa waxuu sheegay in diyaaraddihii qaadka ay ka degeen Soomaaliya, waxuuna sheegay in dowladdiisu ay taageereyso beeraleyda qaadka si suuq ay u helaan.

Kenya waxaa ka dhacday doorasho guud iyo isbedel dawladeed iyada oo aan la xaqiijin isbedel ku yimaada gorgortanka labada dhinac. Madaxweyne ku xigeenkii dalka William Ruto ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka Kenya, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee u hambalyeeyay.

Labada hogaamiye ayaa aad isugu dhawaaday taasoo keentay in madaxweyne Ruto uu ku marti qaado dhigiisa Soomaaliya maalin kadib caleema saarkiisa aqalka madaxtooyada Kenya.

Hogaamiyayaasha ayaa ku celceliyay rabitaankooda ah inay xoojiyaan xiriirka iyo ixtiraamka heshiisyada labada dhinac, si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ayaa weli wajaheyso in ay la kulmaan caqabado marka ay u safrayaan Kenya.

Labadii bilood ee la soo dhaafay, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonayay in ay u safraan Kenya ayaa la kulmay caqabado aad u weyn oo ku aadan helida dal ku galka. Caadiyan, inta badan dadka Soomaaliyeed waxay maraan Hay’addaha socdaalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho maadaama dadka sita baasaboorka Soomaaliya aan loo ogolayn inay isticmaalaan habka codsiga fiisaha ee internetka.

Sida caadiga ah, ka hor inta aan xayiraadaha lagu soo rogin muwaadiniinta Soomaaliyeed, tirada maalmaha qaadashada fiisaha Kenya waxay ahayd 5 ilaa 7 maalmood, si kastaba ha ahaatee, waxay hadda qaadanaysaa ilaa laba bilood iyada oo aan jirin wax damaanad oo xaqiijinaya in aad heli doontid.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbixintan ayaa sheegay in uu balan ku la’ haa safaarada Switzerland ee magaalada Nairobi. Wuxuu damacsanaa inuu helo fiisaha gelitaanka Switzerland maadaama Switzerland aysan qunsuliyad ku lahayn Soomaaliya.

Wuxuu si caadi ah u isticmaali jiray hay’ad socdaal si uu marka hore u helo fiisaha Kenya, waxaana loo sheegay inuu sugo mar kasta, isaga oo sheegay ku dhawaad bil iyo bar in ay ka soo wareegtay maalinkii codsaday fiisaha, ilaa iyo hadana ma uusan helin.

Waxuu intaasi ku daray in dhibka uusan ku koobneyn isaga oo keliya maadaama ay soo badanayaan dadka la wadaagaya sheekadooda ku saabsan sugitaanka fiisaha Kenya taasi oo qaadaneyso muddo dheer.

Dhibaatadan fiisaha ahi maaha mid saamaynaysa muwaadiniinta caadiga ah, balse sidoo kale waxay saamaynaysaa mas’uuliyiinta dawladda ee u baahan inay Kenya u aadaan siminaaro, aqoon-is-weydaarsi iyo kuwa qorsheynaya in dib ugu noqdaan Nairobi. Waxa kale oo ay si xun u saamaysaa dadka doonaya in xaalad caafimaad ay u aadaan dalka Hindiya maadaama Kenya la marayo.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwa keliya ee bixiya lacagaha ugu badan si ay u helaan fiisaha. Ka hor inta aysan bilaaban qabadaha hareeyay fiisaha, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay bixin jireen lacag dhan $260, si ay fiisaha ku helaan muddo toddobaad gudihiis ah, balse lacagtaas ayaa hadda gaartay $500, waxaana la filayaa inay intaas ka sii badato iyadoo aysan jirin wax damanaad ah oo la xiriirta in la helayo fiisaha iyo in kale.

Su’aasha is weydiinta mudan waxey noqoneysaa yey tahay cidda jeebka ku shubta dhaqaalahan laga soo ururiyay muwaadiniinteena?

Waxaa hubaal ah in 51 dollar oo keliya lacagtaas ay ku baxdo socdaalka Kenya, qaarkood waxay tagaan Hay’addaha socdaalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, halka qeybta ugu badanna ay u tagaan kooxo burcad ah oo ku sugan magaalada Nairobi oo lacagtaas ka qaada iyagoo ku gabbanaya inay fududeynayaan habka fiisaha. Dad badan ayaa la yaaban in madaxda Kenya ay ka warqabaan burcaddaasi.

Si la xaliyo caqabadan, Dowladda Soomaaliya waa in ay dib u eegis ku sameyso heshiiskan oo ay la saxiixatay dowladda Kenya,islamarkaana ay xaqiijiso in qodobadii laga soo saaray ay u dhaqan galeen sidii loogu talagalay.

Sida hadda wax u socdaan, waxa ay u muuqataa in Kenya oo kaliya ay macaasheyso. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda waxaa la gudboon in ay wax ka weydiiso Kenya xayiraadaha, waqtiga ay qaadaneyso bixinta fiisaha iyo lacagaha laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here