Maxamed Cali Xasan oo loo doortay kursiga Hop#103 ee Golaha Shacabka

0

BAYDHABO (SMN) – Maxamed Cali Xasan ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Maxamed Cali ayaa ku soo baxay kursiga HOP#103 oo uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in Maxamed Cali uu helay 78, halka musharrax Mukhtaar Cali oo la tartamay uu helay 18 cod, sidoo kale waxaa halaabay 4 cod.

Si kastaba, qabashada doorashada kursigan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay guddiga doorashada ee heer federaal uu hakiyey kursigan illaa inta laga xallinayo cabashada Jawaari, waxaana taasi ku gacan seeray Koonfur Galbeed oo maanta qabatay doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here