Sawirro: Maxamuud Macallin oo la kulmay guddoomiyaha hay’adda TIKA

0

ANKARA (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) Maxamuud Moalim iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Magaalada Ankara kula kulmay Gudoomiyaha hay’adda TIKA.

Labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay wada shaqayn dhexmarta, iyada oo dhowaan ay soo saari doonaan heshiisyo is-afgarad oo labo dhinac ah.

Waxaa Hay’adda TIKA ay ka caawin doontaa Hay’adda SODMA wax ka qabashada arrimahaha la xariira dhibaatooyinka ka dhasha xaaladaha deg degga ah.

Hay’adda TIKA oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa muddo 10 sanno ka waday gudaha Soomaaliya howlo la xiriira u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo daadadka ka dhasha fatahaadaha wabiga Shabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here