Maxay ATMIS ka tiri howlgallada milatari ee ka socdo gobolka Hiiraan?

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ayaa boggaadiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee lagula wareegay tuulooyin ku jiray gacanta Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS in ay taageereen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab-ka ku sugan gobolka Hiiraan.

ATMIS waxa ay sheegtay in ay si qoto dheer uga go’an tahay in ay taageerto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo helo amni, xasilooni, iyo nabad ka dhalata dalka.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa dhawaan waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ciidamada Soomaaliya ayaa dilay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Ma jiraan ilo madax-banaan oo xaqiijisay sheegashadan.

In kastoo meel dhowr ah laga saarey, haddana Al-Shabaab ayaa wali maamusha magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here