Maxay Beesha Caalamka ka tiri doorashada guddoonka Golaha Shacabka?

0

MUQDISHO (SMN) – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka.

Waxaan boorinaynaa in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka iyadoo la eegayo ay danta dhammaan muwaadiniinteed.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here