Maxay ciidamada laga keenay Eritrea ka beddali karaan dagaalka Al-Shabaab?

0

MUQDISHO (SMN) – Korneel Cabdullahi Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dalka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle, wuxuu kaga hadlay howlgallada haatan ka socdo dalka iyo dib usoo celinta ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Cabdullahi Cabdi ayaa marka hore ku boggaadiyay dowladda federaalka go’aanka ay qaadatay ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka.

Sidoo kale wuxuu guul usoo hoyatay Soomaaliya ku tilmaamay dib usoo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ku soo qaatay Eritrea, kuwaas oo haatan ku jira xerada Genaral Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu maalin ka hor ku booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn Korneelka ayaa shaaciyay in ciidamadan la keenay, xilli aad loogu baahnaa, wuxuuna sheegay inay wax weyn ka beddali doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku qabsadeen deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here