Maxay ka wada-hadleen A/Madoobe & guddiga doorashooyinka?

0

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal, guddiga Xalinta khilaafadka iyo xubnaha Dowlada Jubbaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha Wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay dar-dargaliyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid arrimaha doorashooyinka iyo ka qeyb-galka shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here