Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha Aqalka Sare?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha ayaa iska waraystay xaaladaha guud ee dalka iyo dardargalinta dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa maalmihii u dambeeyey kulamo ballaaran ka waday magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb-galay shirkii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, HirShabelle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gudaha gasho doorashada Golaha Shacabka oo lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho gudahood ah.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here