Maxay ka wada-hadleen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar?

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wada-hadallo dhanka  taleefanka ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Mohammad Bin Abdulrahman Al-Thani a, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda labada dal iyo tan sidoo kale gobolka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxa ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay ee arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ay ka caawisaa dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha, caafimaadka iyo tababarada ciidanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here