Maxay ka wada-hadleen Duqa Muqdisho iyo Safiirka Qatar?

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya MR. Xasan Xamza Assad.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda iyo sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku leedahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here