Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga & gudiyada doorashooyinka?

0

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii uu Guddiga soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa dhan kale kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here