Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha HirShabelle iyo safiirka Mareykanka?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan gaar ah la qaatay Safirika Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Cali Guudlaawe iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle, gaar ahaan amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda degaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay iyadoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here