Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay danjiraha cusub ee Midowga Yurub

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Qoor Qoor iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday, sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka mid ah madaxda ku howlan dhex-dhexaadinta xiisadda u dhexeysa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here