Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo wafdiga QM?

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta soo gaaray gudaha Magaalada Dhuusmareeb.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa  looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa,amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha DGM ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulihii u dambeeyay oo laga gaaray.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo food-saaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga saaray xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale wafdiga ka socday QM ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here