Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah wada-hadalladooda diiradda ugu saaray is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo saaray ayaa yiri  “Wuu ku mahadsan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble casumaadda uu inoo sameeyay aniga & wasiir hore Cabdiraxmaan Ceynte, xaqiiqdii doodaha doorashada mararka qaar waxaa lagu gaaraa is faham”

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo shirar siyaasadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho, kuwaas oo looga arrinsanayey xaaladaha soo kordhay ee doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here