Aqriso: Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo Cumar Cabdirashiid?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, kaas oo ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Rooble ayaa mudane Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo iminka ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo shirar gaar gaar ah oo uu maalmihii u dambeeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka waday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here