Maxay ka wada-hadleen ra’iisul wasaare Rooble iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo oo ay ka wada hadleen hagaajinta, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah.

Danjire Lucas Tumbo ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo celiyeen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here