Maxay ka wada-hadleen ra’iisul wasaare Rooble & Sheekh Shariif?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu Ra’iisul Wassare Rooble xalay habka fogaan aragga kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here