Maxay ka wada-hadleen Rooble & taliyeyaasha ciidamada dowladda

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh. Muuddey.

Dhinaca kale Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here