Maxay ka wada-hadleen wasiir arrimo dibadeedyada Somalia & Rwanda?

0

KIGALI (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mudane Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada Dal.

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibbada ah, waxaana ay isla garteen dardargelinta iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta safaaradaha.

Wasiirrada ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii ay Soomaaliya iyo Rwanda iskaashi miro-dhal ah uga yeelan lahaayeen dhammaan arrimaha quseeya danaha labada Qaran ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla soo dhoweeyey fursadaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee labada Dal.

Ugu dambeyn, iyada oo laga dib loo eegayo  xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, waxa ay Wasiirradu isku raaceen in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo iskaashiga fagaareyaasha caalamiga ah iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here