Maxay Koonfur Galbeed ka tiri shirka uu iclaamiyay Sheekh Aadan Madoobe?

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo dhaweeyey shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Qoraal kasoo baxay xafiiska Lafta Gareen ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaas uu kusoo aaday, xilli muhiim ah oo baahi weyn loo qabo ka tashiga ayaaha Koonfur Galbeed.

“Koonfur Galbeed waxay soo dhoweynaysaa Shirkii Shalay uu ku Baaqay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ahaa Shirka Dib-Uheeshisinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here