Maxay Midowga Afrika iyo QM kala hadleen hoggaamiyaha TPLF?

0

MEKELLE (SMN) – Ergeyga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Itoobiya ayaa la kulmay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael si loo soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas.

Madaxa Qaramada u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo gargaarka Martin Griffiths iyo Obasanjo oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria oo shaley gaaray caasimadda Mekelle ayaa sidoo kale kala hadlay ninkan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ay saameeyeen dagaallada ka dhacay gobolka.

Teleefishinka Tigray ayaa ku warramay in mas’uuliyiintan ay la kulmeen “madaxweynaha Tigray, Dr Debretsion Gebremichael , waxay ka wadahadleen qalalaasaha ka taagan Itoobiya iyo sida gargaarka lagu gaarsiin shacabka iyo arrimo kale”

Mr Griffiths iyo Obasanjo ayaa markii dambe dib ugu laabtay maagalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida uu sheegay teleefishinka Tigray.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada kulanka Obasanjo uu la yeeshay madaxada TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here