Maxay tahay sababta uu Dr Xabeeb uga horyimid jadwalka doorashooyinka?

0

Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation ayaa wareysi uu siiyey Shabelle waxa uu kusoo bandhigay cabasho uu ka qabo jadwalka laga soo saaray doorashada Soomaaliya.

Xabeeb ayaa shaaca ka qaaday inuu wal-wal xoogan ka qabo xilliga lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey inay dhacdo 10-ka bisha October ee sanadkan 2021-ka, isaga oo tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Dhimirka, taas oo sanad kasta loo dabaal-dego.

“Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu yiri Xabeeb.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada in doorashada madaxweynaha, haddii ay suuragal tahay laga weeciyo 10-ka October, si loo xuso maalinta caalamiga ah ee Dhimirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here