Maxay XF Soomaaliya ka tiri xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne?

0

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahin Macalimuu oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si toos ah u fara-gelineyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, si xal waara looga gaaro.

Macalimuu ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Rooble uu haatan diyaar u yahay xalinta tabashada shacabka reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay xooga saari doonto wada-hadallo xal rasmi ah looga gaarayo arrinata Beledweyne oo saameyn xoogan ku yeelatay doorashooyinka.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo la magac baxay bad-baadada Hiiraan ay la wareegeen qeybo ka mid ah Beledweyne, iyaga oo ka soo horjeeda safarka Cali Guudlaawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here