Maxkamadda Ciidamada oo dhageysatay dacwado loo heysto 10 askari

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, qeybta 27-aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heysto 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal C/lle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdirashiid Maxamed Cabdi Mahad Alle.

Sidoo kale Maxkamadda darajada 1-aad ayaa la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin C/lle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi, waxaana Maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here