Maxkamadda CQS oo shaacisay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

0

MUQDISHO (SMN) – Guddigii baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsan NISA oo la la’yahay tan iyo June 26 2021, ayaa caawa soo saaray natiijo horudhac oo ay sheegeen inay kasoo baxday baaritaankooda.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jeneraal Cabdullaahi Kameey oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inay baareen xubno ay ka mid yihiin taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taliyaha NISA ee iminka Yaasiin Farey, Cabdullaahi Kulane, Asma Yuusuf iyo Cabdiqani Wadna Qabad oo ka tirsan NISA.

Waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay si wanaagsan ugala shaqeysay baaritaanka. Kameey ayaa sheegay in guddiga ay baaristooda kasoo baxday inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Waxa uu intaas ku daray in Guddiga uu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Inkasta oo guddiga uu sheegay in natiijada ay hurdhac tahay, haddana waxay sidoo kale sheegeen in kiiska lagu soo xiray in cid kasta oo xog ka haysa Ikraan ay lasoo xiriiraan haya’adaha dambi baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here