Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay askari horay dil u geystay

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta  dil toogasho ah ku filisay dable Nisa Maxamed Cali Xuseen oo ku eedeysnaa dilka labo wiil oo dhalinyaro ah oo la dilayay xilli ay ku sugnaa goob Kubadda Cagta lagu ciyaarayay kuna taal degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

Maxkamada ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiska xukunsanha,iyadoo ugu dambeyn 9-Bishaan Decembar Xukunkiisa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule.

Goobta lagu fulinayay xukunka dilka waxaa gobjoog ahaa saraakiil ka socotay xafiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ka howl-gasha Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here