Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari horey dil u geystay

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku xukuntay dil toogasho ah Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow), kadib markii lagu helay dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow oo ahaa 40-jir.

Dilka ayaa ka dhacay xerada agoonta Boliiska, xilli galab ah Ramadankii tegay markaas oo Marxuumka doontay Kaalmo loo qaybinaya bulsho tabaalaysan.

Askariga la xukumay ayaa ka tirsanaa Ururka 143 ee Guutada 14-ka October, waxayna maxkamaddu sheegtay inuu heysto fursad kale oo uu racfaan ku qaadan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here