Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Rag Dhac Ka Geystay Muqdisho

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen.

Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana  si gaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu mobeelada u iibgeyn jiray.

Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray uu kasoo Min-guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirada dadka uu dhaca u geystay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun 10-sanno oo xabsi Ciidan ku riday Cabdifitaax Cali Cumar, halka Nuur Cali Xasan isna lagu xukumay 2-sanno oo xabsi ah, sida uu ku dhawaaqa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Xukunsanayaasha ayaa heysta muddo ku siman 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan, sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here