Maxkamadda ciidamada oo xukuntay lamaane ka tirsan kooxda Daacish

0

MUQDISHO (SMN) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday lamaane is qaba oo lagu helay dembi ah inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa la sheegay inay la baxeen magacyo been abuur ah oo loo yaqiinay, sida Mustaf iyo Xaawo.

Bishii March ee sanadkan 2022-ka ayaa lasoo xiray, iyada oo lagu qabtay agabkii qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo sidoo kale qarax diyaarsan.

Sida ay maxkamaddu sheegtay Dayib ayaa kooxda u qaabilsanaa sameynta qaraxyada, halka Xaliimo ay qaabilsaneyn keydinta hubka iyo soo dhaweynta xubnaha kooxda Daacish.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib maxkamadda ciidamada weydiistay in la maxkamadeeyo billowgii June, isla xilligaas ayay maxkamadda aqbashay dhegeysiga dacwadda laba eedeysane.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor caddeeyey in labada eedeysane ay is qabeen, laakiin ay isku guursadeen magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxayna maxkamadda ka hor sheegeen labadooda in sarkaalkii xukumayay ee kooxda Daacish uu isku doonay.

Qareennada difaacayey eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto, loona fiiriyo qodobada dembiga fududeeyo.

Dhowr fadhi kadib maxkamadda ayaa maanta ku wada xukuntay lamaanahan min 15-sano oo xabsi ah, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here