Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukuntay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn oo xarunteeda Gaalkacyo, waxay xukuntay xubnahan oo la sheegay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan islamarkaana qiraal ku ahaayeen danbiyada lagu helay.

Magacyada xubnaha la xukmay waxay kala yihiin; Faysal Axmed Bashiir Gujis, Sahal Cabdullaahi jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamuud Saleebaan (Al-faarisi), jaamac Muriidi Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.

Si kastaba Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, iyaga oo weeraro qorsheysan ka fuliya deegaanada kala duwan ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here