Maxkamadda ciidamada oo markale billowday dhageysiga dacwadda dilkii Dhagajuun

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwadda dilka Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan AUN Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (DhagaJuun).

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta leh dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan.

Gaashaale sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sido oo furay dacwadda ayaa sheegay in maanta ay tahay markii labaad oo la dhageysanaayo Kiiska si uu cadaalad u helo Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Dhegajuun oo horaantii sanadkan lagu dilay degmada Howlwadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here