MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Cadow Ciise oo maalin ka hor ka soo muuqday Maxkamadda, kaas oo lagu helay dilka Saylax Cabdulle Axmed oo ka dhacay Balcad, 29-kii bishii hore ee November.
Xukunsane Cabdiraxmaan ayaa waxa uu joogay Isbaaro tiilay meesha looga baxo degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaar ka mid ah dadweynihii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan u tegay Maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku talagal ah u dilay Marxuumka.
Saylax Cabdulle Axmed ayaa ahaa darawal si weyn looga yaqaanay tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Shabeelada Dhexe oo uu muddo dheer ku safrayay.