Maxkamadda CQS oo xukun ku riday nin ka tirsanaa Al Shabab

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun culus ku riday nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke), kaasi oo dhanka Qaraxyada u qaabilsanaa Kooxda Al Shabaab.

Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale ayaa lagu xumay xabsi daa’in, sida lagu xusay bayaan ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiile Cabdullaahi ayaa la soo qabtay 3-dii Bishii June ee sanadkan, isagoona lagu eedeeyay in 7 miino uu ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaanka Maxkamadda, ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dabayaaqada bishii August.

Maxkamadda ayaa laga hor-cadeeyay in ninkan uu ku biiray Kooxda Al Shabaab isagoo 15 jir ah waxaana uu tababar ku qaatay Degaano ka tirsan Gobolka Bay.

Tababar kadib, sanadii 2016 waxaa ninkan loo wareejiyay qeybta qaraxyada, wuxuuna  mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$, sida lagu xusay bayaanka Maxkamadda.

Cabdullahi ayaa dhawaac ka soo gaaray qaraxa uu isagu aasay, waxaana qaraxa uu dhacay mar uu doonayay in uu bixiyo waxyaabo qarxa oo uu waddada ku aasay maadaama uu waayay cid soo marta halkii ku aasay bambaanada.

Ugu dambeyn, Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin ayaa dhinacyada dacwada u sheegay in Cabdulaahi lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana xukunkasanaha haysta fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga ogol yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here