Maxkamadda CQS oo xukuntay askari nin shacab ahaa ku dilay Xamarweyne

0

MUQDISHO (SMN) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil ku xukuntay askarigii maalmo kahor ninkii shacabka ahaa ku dilay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Askarigaan oo lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi ayaa ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka, isaga si ku talagal ah u toogtay marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani.

Marxuumka iyo askariga oo uruurinayey lacago Canshuuro ah ayaa waxaa soo kala dhex-galay is faham waa ka dhashay 5 kun oo shilin Soomaali ah, taas oo keentay in askariga uu madaxa ka toogto marxuumka oo dukaan yar ku lahaa gudaha degmada Xamarweyne.

Maxkamadeynta askarigan oo la dadajiyay waxaa goob-joog ahaa ehellada marxuumka iyo dadweyne kale oo aad u soo dhaweeyey xukunka ay maanta riday Maxkamadda Ciidanka.

Dilka Abuubakar Maxamed Nuuraani ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii ay dadka Soomaaliyeed ay si weyn uga dhiidhiyeen qaabka loo dilay marxuumka oo ahaa ganacsade miis yar ku lahaa gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal u geysta dadka shacabka ah, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here