Meydad horleh oo laga soo saaray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Zoobe

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa weli ka socdo gurmad xoogleh oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka Zoobe.

Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, islamarkaana ay xiran tahay waddada Zoobe, kadib qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale meydad horleh ayaa lagu guuleystay in maanta laga soo saaro dhismayaashii ku burburay goobaha ay ka dhaceen qaraxyadii shalay ka dhacay caasimadda.

Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 100 qof, halka dhaawacana uu gaaray 300 oo kale, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here