Meydad horleh oo lagu arkay goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maydad kale lagu arkay goobihii lagu dagaalamayay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, kadib markii ay ciidamada ururka Ahlu-Sunna Waljaamaca ay isaga baxeen saldhigyadii ay ka fadhiyeen Guriceel.

Qof tagay goobihii lagu dagaallamay ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay maydadka sideed ruux oo dhamaantood ay rasaas ku dhacday intii uu dagaalku socday.

Maydadka lagu arkay goobihii lagu dagaalamay gaar ahaan aaga suuqa waxa ku jiray qof dumar aH.

Illaa hadda lama hayo tirakoob saxa oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka Guriceel, balse illo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada ah ayaa laga soo xigtay in dad ka badan 30 qof lagu dilay dagaalka sabtidii Guriceel ka bilowday soona gaaray illaa shalay, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here