Mid ka mid ah Ergooyinkii soo xulay xildhibaanada Soomaaliya oo ka bad-baaday isku day dil

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal qorsheysnaa oo la doonayey in maanta lagu khaarijiyo amaba lagu dilo mid ka mid ah ergooyinkii wax kasoo xulay xildhibaanada 10-aad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, xilli u uku sugnaa Masjidka Bin-Cowf oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in Shaafici Daahir Nuur oo ka tirsan ergadii magaalada Cadaado wax ku soo dooratay lagu weeraray afaafka hore ee masjidkaasi, xilli uu kasoo baxay Saaladda Jimcaha.

Nin hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay inuu bistoolad ula soo baxay, kaas oo ‘damacsanaa inuu toogto,’ balse Jamaacada oo xilligaas ka soobaxeysay masjidka ayuu dhex-caray Shaafici, isaga oo si dirqi ah uga bad-baaday isku dayga dilka ah ee lala damacsanaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shaafici Daahir Nuur oo ah nin dhalinyaro oo aqoonyahan ah ay gurmad u fidyeen dadka deegaanka, isaga oo gudaha u galay mid ka mid ah guryaha ka agdowaa halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray dhacdada kadib, balse waxaa meesha isaga baxsaday ninkii hubeysnaa.

Waa markii labaad ee la weerarayo Mr. Shaacfici, waxaana bishii May ee sanadkan 2018, isaga oo la socdo Mooto Bajaaj lagu furay rasaas, taas oo uu kasoo gaaray dhaawac fudud, sidoo kale waxaa isla weerarkaasi ay waxyeelo xoogan kasoo gaartauy wadihii mootada oo mareysay wadada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada ergada soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo mar dhexdaasina xubnaha ergada ah looga yeeray deegaanada ay maamushu kooxdaasi, si ay isku soo diiwaan-geliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here