Mid ka mid ah raggii ka dambeeyay afduubka gabdhaha Soomaalida oo la xiray

0

Booliiska Kenya ayaa soo xiray mid ka mid ah raggii ka dambeeyay “afduubka” gabdhaha Soomaalida dhowaan loogu geystay magaalada Nairobi ee caaismadda Kenya.

Xafsa Maxamed Luqmaan oo booliisku ay shaaciyeen in maanta laga soo helay xaafadda Kayole ayaa la sheegay in la afduubtay toddobaadkan dhexdiisa.

Eedeysanaha oo 24 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa burcaddii afduubatay Xafsa, ayaa la soo qabtay booliiska ayaana su’aalo weydiinaya.

Booliiska ayaa ku raad jooga raggii kale ee burcadda ka tirsanaa.

Xafsa oo markii ugu dambeysay ku sugneyd dukaankeeda oo dhar lagu iibiyo ayay afduubteen koox burcad ah, kuwaas oo dalbaday Sh5 milyan.

Muuqaal naxdin leh oo laga soo duubay Xafsa ayaa lagu arki karay iyada oo wejigeedu bararan yahay isla markaana qoyskeeda ka bayeysa inay lacagta bixiyaan si ay nafteeda u badbaaddo.

Xafsa ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here