Mid ka mid ah raggii ka dambeeyey qaraxii Baydhabo oo la soo qabtay

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Jimcihii ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

Lafta Gareen ayaa sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku hayaan baaris dheeraad ah, wuxuuna tilmaamay inay ku raadin doonaan raggii kale ee kala shaqeeyey weerarka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxyada Al-Shabaab ay haatan ka fulineyso Koonfur Galbeed ay indhaha uga jeedineyso duulaanka ay ku qaaday dowlad deegaanka.

”Qaraxyada ka dhacaya Koonfur Galbeed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad degaanka” ayuu yiri Lafta Gareen.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay wasiirkii wasaaradda cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marxuum Ibraahim Xasan Lug-buur iyo wiil uu dhalay oo darawal u ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here