MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku soo dhigay wiil ka mid ah saddex dhalinyaro ah oo muuqaal anshax xumo ahaa ka duubay gabar, kuna baahiyay baraha bulshada.
Dhacdadaan ayaa maalmo ka hor ka dhacday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, sida uu shaaciyay afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.
Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in eedeysanaha oo u soo baxsaday magaalada Muqdisho ay ku guuleysteen qabashadiisa, halka labada kalena ay ku raadjoogaan.
Halkan hoose ka daawo:-