Midowga Afrika oo cambaareeyey rabshadaha Koonfur Afrika

0

Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika oo ay ku dhinteen 72 qof.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo xariga madaxweynihii hore Jacob Zuma ayaa isu badalay bililiqo iyo burbur hantiyeed gobolada qaar.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen guddiga.

“Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loogu soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida dalka iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Wuxuu sheegay in ku guuldareysiga xalinta rabshadaha ay “saameyn xun” ku yeelan doonto dalka iyo gobolka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here