Midowga Afrika oo maanta ka shiraya arrimaha Soomaaliya

0

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa maanta shir ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka ka dib codsigii madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahaa in ay fududeeyaan hanaanka doorashada si muwaadiniinta u doortaan wakiiladooda siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhowaan tagay dalka Kongo halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaas Felix Tshakedi sidoo kalena haya xilka maartadada ah ee Midowga Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 bishan Abril meel mariyay sharciga jiheynta doorashada dalka, ka dib markii maamulada Puntland iyo Jubaland ay diideen in doorasho lagu galo heshiiskii 17 September oo  dhinacyada oo dhan wada saxiixeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here