Midowga musharraxiinta oo kulan ka yeeshay xaaladaha soo kordhay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo xalay xaaladaha soo kordhay ay ka yeesheen xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka dalka.

Kulankan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray khilaafka soo shaac-baxay ee ka taagan Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyo Rooble iyo Farmaajo.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dadaallada uu wado Rooble iyo hoggaamintiisa dalka, maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeyo ee doorashada.

“Golaha midowga musharraxiinta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul Wasaaraha, warmurtiyeed dhammeystiran ayaan ka soo saari doonnaa, balse waxa aan Rooble ku taageernay go’aanka uu qaatay” ayuu yiri Ridwaan Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli xukuumadda Soomaaliya ay ka hortimid wareegtadii uu soo saaray madaxweyne Farmaajo ee xayiraada lagu saaray hay’adaha dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here